Wararka laga helayo gobolka Shabeelada Dhexe ayaa ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka lagu qarxiyay duleedka magaalada Jowhar.
Qaraxa ayaa haleelay Gaari ay ciidamada la socdeen oo marayay Koofurta magaalada Jowhar, siiba degaanka Koongo, waxaan qaraxa dhaliyay Miino ku qaraxday, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay dhowr askari.
Wararka ayaa sheegaya in askarta la weeraray ay rasaas fureen markii qaraxu qabsaday, waxaana la sheegay in degaanadaasi ay kooxda Alshabaab miinooyin u dhigto ciidamada Soomaaliya.
Wadani