Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa la sheegay inay jirdil kula kaceen tifaftiraha guud ee Radio Daljir Cabdifitaax Cumar Geeddi, iyagoo ku weeraray agagaarka shirkada isgaarsiinta Golis ee magaalada Garowe.
Goobta tifaftiraha Radio Daljir lagu dilay ayaa la sheegay inay tageen oo arrinta dhex galeen ilaalada shirkadda isgaarsiinta Golis iyo dadwayne, waxaana la sheegay inay Tifaftiraha ka badbaadiyeen ciidamada.
Tifaftiraha Radio Daljir C/fitaax Cumar Geeddi ayaa sheegay in loo geystay jirdil, isla markaana uu dareemayo xanuun, balse aanu jirin dhaawac weyn oo gaaray, sidoo kalena ciidamada soo weeraray ay gaarigiisa waxyeelo gaarsiiyeen.
Wadani.com