Wararka laga helayo Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Ciidamo ka wada ka tirsan maamul goboleedka Galmudug oo kala taabacsan madaxda is khilaafasan ee maamulkaasi ay xalay ay ku dagaalameen duleedka Magaalada.
Dagaalka ayaa ka dhacay degaan u dhow magaalada Cadaado, kadib markii ciidamo ka tegay magaalada Gaalkacyo oo taabacsan madaxweyn Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kuna sii jeeda Dhuusamreeb ay is-hortaag ku sameeyeen ciidamo kale oo ku sugnaa Duleedka magaalada Cadaado oo la sheegay inay taageersan yihiin madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo fadhigoodu yahay Cadaado.
Iska hor imaadka ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay hal askari, iyadoo ay ku dhaawacmeen laba askari oo kale, waxaana markaas kadib xaaladda qaboojiyey saraakiil ka tirsan ciidamada oo arrinta soo dhex galay.
Wararka ayaa sheegay in ciidamo hubeysan oo ka tegay magaalad Gaalkacyo loo diiday inay galaan Magaalada Cadaado, taasoo ka danbeysay khilaafka siyaasadeed ee madaxda Galmudug.