Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry oo maanta socdaal rasmi ah uga bilowday dalka Kenya isagoo hordhac u ah socdaalkii ugu horeeyay ee madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ku tegi doona dalka uu aabihiis kas oo jeedo ayaa la sheegay in ammaanka si weyn loo adkeeyay dalka Kenya oo dhan iyo magaalada Nairobi gaar ahaan.
[ad name=”HTML-1″]
Ciidamado Mareykan ah oo gaara ayaa la sheegay in meel waliba lagu arkayay daqiiqado ka hor inyii aanu Kerry ka degin garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta. Saxaafadda Kenya ayaa soo werisay arrin yaab leh oo dhacday intii lagu jiray soo dhoweyntii John Kerry.
Ciidamo gaara oo kuwa sirdoonka Mareykanka ka mida ayaa qabsaday garoonka intii aanu soo degin xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, waxaana dhacday in ciidamada Kenya la dhex geliyay ciidamada Mareykanka ee gaarka ah, waxayna ciidamada Mareykanka la wareegeen guud ahaan garoonka.
Daily Nation waxay qortay in isku dhex yaac fudud uu dhacay markii uu damcday John Kerry inuu raaco gaari loogu talogalay oo Kenya diyaarisay, laakiin waxaa dhexda ka qabtay ciidamada gaarka sirta Mareykanka ka mida oo ku hagay gaari kale oo gaashaaman looguna talogalay. Baabuurta qalabeysan ee aanay rasaasta iyo qaraxyadu karin oo ay leedahay safaarada Mareykanka ee dalka Kenya ayaa in muddo la sheegay inay sii yaaleen garoonka.
Ka sokow xaaladaas, waxaa kaloo garoonka ka dhacay baaritaan adag oo lagu sameeyay ciidamada Mareykanka oo ay la shaqeybayaan kuwa Kenya ee ammmaanka garoonka qaabilsan, waxaana si adag loo baaray oo SCAN la saaray dhammaan qalabkii ay wateen saxafiyiintii halkaas tagtay. Waxay warbaahintu sheegtay in baabuur kasta oo booliska Kenya ay lahaayeen uu saarnaa ugu yaraan askari ka mida ciidamada gaarka ah ee Mareykanka.
Kerry ayaa Isniinta booqan doona xarunta safaaradii Mareykanka ee sanadkii 1998 la qarxiyay, isagoo kadib kulan la qaadan doona madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, arrimaha laga wadahadli doono waxaa ka mida xaaladda Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro Alshabaab oo dhibaato weyn ku heysa dalka Kenya.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]