Alshabaab oo sii wada howlgallo ay ka wadaan caasimadda ayaa sheegatay inay magaalada Muqdisho ka fulisay dilal qorsheysan oo ay ku beegsadeen ciyaal-weero, xarumo iyo dad ka ganacsada Daroogada.
Dilalkii ugu danbeeyay ayaa intiisa badan xalay ka dhacay degmada Yaaqashiid, waxaana la sheegay in lagu dilay ilaa 10 ruux oo isugu jiray Ciyaal weero, Dad iyo xarumo la sheegay in Dhaqan xumada lagu faafinayay.
Alshabaab waxay beegsadeen Hotelka Boosh ee degmada Hodon oo anshax xumo ay ku eedeeyeen, sidoo kale xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Weerar ka mida kuwa Alshabaab fulisay ayaa xaafada Cali Turcaaye ee Suuqa Xoolaha oo lagu beegsaday koox ciyaal weero ah iyo Daroogada nooca Calaqa, waxaana lagu dilay 4 qof o ciyaal weera iyo Tuugo isugu jiray.
Weerar kale ayaa ka dhacay xaafadda Godey ee degmada Yaaqshiid, iyadoo Alshabaab sheegtay inay weerarkan ku dishay Saddex Qof oo uu ka mida yahay nin lagu magacaabi jiray Xaseey.
Waxaa sii kordhaya weerarrada ay Alshabaab ku beegsaneyso Ciyaal-weerada ka kacay Muqdisho oo ay u caal waayeen hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
