Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo xilka madaxweynaha kula tartamay madaxweynaha xilka haya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa jawaabtii ugu horeysay ka bixiyay hadal kulul oo uu xalay jeediyay madaxweyne Farmaajo.
Hadalka Farmaajo ayaa ku socday mucaaradka dowladiisa oo uu ku sheegay kuwo indho iyo dhego la’ oo qabiil adeegsanaya [Ka dhageyso halkan], wuxuuna ku eedeeyay in niyad jebinayaan shacabka.
C/raxmaan C/shakuur oo ka mida siyaasiyiinta daba dhigtay dowladda Farmaajo maalmihii danbe oo warar aan la xaqiijin sheegayaan inuu taageero ka helay Imaaraadka Carabta ayaa yiri: “Wey sahlan tahay in eeda cid kale dusha looga tuurto, laakiin sababta keenaysa kala aragti duwanaanta waa su’aalaha jawaabta u baahan oo ah kuwo culus…”.
Wuxuu intaas ku daray in halbeegu yahay in danta guud hagaagto. Aragtida shakhsiga ahna ay saamayn ku yeelato hadba inta uu waaya aragnimada, aqoonta, wacyigga iyo garaadka uu la egyahay…” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo mar kale luqada Ingiriiska ku qoray: “Fadlan jooji inaad dadka kale eedeyso..” taasoo u muuqata jawaab toos ugu socota madaxweyne Farmaajo.
Inkastoo madaxweyne Farmaajo magacaabin siyaasiyiinta uu eedeeyay inay qas ka wadaan dalka, haddana waxaa muuqata inay iyagii is caddeynayaan.