Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»C/raxmaan C/shakuur: “Waxaa dowlada looga fadhiyaa inay masuuliyada qaadato oo dadka la hadasho..”

    C/raxmaan C/shakuur: “Waxaa dowlada looga fadhiyaa inay masuuliyada qaadato oo dadka la hadasho..”

    September 3, 20172 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa codkiisa ku biiriyay aragtidiisa kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbidhagax ee sida weyn u kiciyay kacdoonka shacabka.

    Siyaasiga ayaa igu miisaanay xaaladaha Soomaaliya ka taagan xilligan iyo sida looga baahan yahay in dowladdu u maareyso damiirka shacabka iyo danaha qaranka, wuxuuna u soo jeediyay dowladda inay mas’uuliyadeeda qaadato oo shacabka hor timaado.

    HOOS KA AKHRI QORAALKA 

    C/raxmaan C/shakuur Warsame
    C/raxmaan C/shakuur Warsame

    Halganka uu C/kariin Sh Muuse Qalbidhagax ku jiray waxaa jira halgano la mid ah oo damiirka shacabka ku dhexnool sida; qadiyada Falastiin, Kashmiir iyo Jabhada Moro ee Philippine. Dawladuhu waxay isku dayaan in ay si waaqici ah (pragmatic) ula falgalaan iyagoo eegaya duruufaha ku xeeran, tabarta xadidan iyo tan danbe ee ka dhalan karta, halka Shacabku ay ka eegayaan damiirka, dadnimada iyo duli ka cararka.

    Tusaale Madaxweynaha Masar in kasta uu Xamaas Aragagexiso u haysto in ay Ikhwaanul Muslimiin ka tirsan yihiin aaminsan yahay, hadana kuma dhaco in uu sarkaal Xamaas ka tirsan Israa’iil dhiibo ama Masuul Pakistan ah uu Sarkaal Kishmiir ah Hindiya u gacan geliyo.

    Dhinaca kale, Dawladu ma Ilaaliso dan shakhsi keli ah waxay dhowrtaa dan qaran. Markii ay go’aan qaadanayso waxaa horyaala oo xeeris uga baahan in ay is bar bar dhigto danaha iyo halisyada ku gadaaman go’aanka ay arrinkaas ka qaadanayso.

    Ma sahlana in dal Soomaaliya oo kale ah oo ay dadkiisu kala qayb san yihiin, ciidanna ay u yihiin dawladaha deriska ah oo ay Itoobiya ka mid tahay in madaxdiisa laga fisho halyeeynimo iyo halgan taageerid. Mana sahlana in qadiyad damiirka shacabka ku dhex nool sahal looga tilaabsado.

    Madaxweynuhu wuxuu mar kasta magan u yahay talada dadka uu u xushay in ay siiyaan ra’yi miisaan oo lagu ilaalin karo damiirka shacabka iyo danta qaranka. Waxaase dawlada looga fadhiyaa in ay masuuliyada qaadato, dadka hortimaado oo ay la hadasho

    C/kariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax C/raxmaan C/shakuur Kiiska Qalbidhagax ONLF
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaan Fiqi: “Waa waajib in Ciddii ka danbeysay kiiska Qalbidhagax Sharciga la horkeeno..”
    Next Article Salaad Cali Jeelle: “8 Bilood ayuu Farmaajo joogaa, dowladdaan yaan la dumin..” [DHAGEYSO]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo