Madaxweynihii hore ee Puntland, haddana ka mida xildhibaanada cusub ee Aqalka Sare ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya inuu yimaado magaalada Gaalkacyo.
C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay in xaalada Gaalkacyo ay aad u xun tahay, isla markaana ay jiraan tuhunno badan, Ra’iisal wasaaraha keligiisna aanu waxba ka qaban karin xaaladda sidaasi darteed loo baahan yahay inuu yimaado Gaalkacyo.
Wuxuu intaas ku daray in loo baahana yahay wadahadalka Gaalkacyo haddii la isku mari waayo cid arrinta culeys saarta, wuxuuna dalbaday in madaxweyne Xasan Sheekh uu soo farageliyo arrinta.
Wadani.com