Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»C/raxmaan Faroole oo Ciidamo gaar ah la yimid Muqdisho & La-yaabkii shalay ay sameeyeen..!

    C/raxmaan Faroole oo Ciidamo gaar ah la yimid Muqdisho & La-yaabkii shalay ay sameeyeen..!

    January 23, 20173 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole waa mudane ka tirsan aqalka sare, 21-kii bishan ayuu yimid Muqdisho, dadkoo dhami waxaa ay sugayeen xiliga uu Faroole imaan doono Muqdisho madaama uu yahay hogaamiye ay ku adag tahay qadiyada Puntland, ulama jeedo inuu neceb yahay Muqdisho laakiin waxaa laga dareemaa xisaabtan siyaasadeed oo hufan oo kala dhaxeeya siyaasiyiinta koonfurta.

    Waxey aheyd markii afaraad ee uu yimaado Muqdisho tan iyo 1991-dii sida uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu caasimada ku qabtay maalin ka hor doorashadii aqalka sare.

    Ujeedada warbixintani ma ahan qaabkii ay u dhacday doorashadii aqalka odayaasha ee uu kusoo baxay hogaamiyaha hadalka kulul Cabdi Xaashi Cabdulaahi laakiin indhaha dadka oo dhan ayaa eegayay madaxweynihii hore ee Puntland Senetor Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole.

    Faroole ayaa Muqdisho la yimid 30 askari oo ka tirsan ciidanka Puntland, dabcab markii aad ciidan aragto fasiraad badan uma baahna shaqada loo keenay, laakiin waxaa isoo jiidatay qaabkii uu Faroole ku tagay xarunta aqalka odayaasha iyo sida uu isaga xil saaray amnigiisa.

    Waxaa uu la socday gaadiidka raaxada ee aan xabadu karin ee layiraahdo “bullet proof “ waxaa sidoo kale wehliyay 30-kii askari ee kala yimid Garoowe , dadka oo dhan waxaa ay sugayeen in askarta la socotay Faroole lagu reebi doono banaanka laakiin taasi ma dhicin

    Ilaalada gaarka ah ee Mr Faroole waxey gudaha u galeen xarunta doorashada, waxey u ekeyd arin uu gudoonku og yahay, ma jiro qof kale oo ka tirsan aqalka oo ciidan gaar ah la galay gudaha xitaa Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo ka tirsan aqalkaas.

    Xanta aqalka ayaa isku badashay maxaa ilaalada Faroole loogu ogolaaday iney gudaha soo galaan , ciidamada gudaha soo galay ma aheyn kuwo qoryo sitay laakiin dad goobta joogay waxaa ay sheegeen iney bistoolado siteen.

    Dareenka dadka goobta ku sugan qaar waxaa uu saarnaa ilaalada Faroole oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxtinimada Somalia 2017, Waxaa kaloo caajiib aheyd in qof walba oo isku daya inuu la istaago Senetor Faroole in ay ciidanku iyagoo badan hareeraha ka istaagayeen.

    Dadka ka faalooda qadiyadaha nuucaan ah waxa ay aaminsan yihiin inuu Faroole wali u muuqdo mid saameyn iyo go’aamo xoogan kuleh dalka madaama rabitaankiisa uu fuliyay, qaarna waxa ay qabaan inuusan wali aaminsaneyn amniga Muqdisho.

    Waa arin uu kaga duwan yahay musharaxiinta kale ee aan Muqdisho kasoo jeedin kuwaas oo aan muujin iney masuugsan yihiin amniga caasimada.

    Faroole oo dadka reer Barigu ay ku tilmaamaan hogaamiye ruuxi ah iyo Siyaad baraha cusub ee qarniga 21 aad ayaa la eegi doona sida uu amnigiisa u maareeyo maalinta doorashada madaxtinimada oo aan wali la iclaamin.

    W/Q: C/llaahi Cismaan Faarax

    C/raxmaan Faroole Muqdisho
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDowladda Soomaaliya oo malaayiin Doolar ku bixineya abaaraha Soomaaliya (Halkee ka imaaneysaa?)
    Next Article Xildhibaanadii xilka ka qaaday C/kariin Guuleed oo xaalada adag soo wajahday [Wararkii ugu danbeeyay]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo