C/raxmaan Maxamed Faroole oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa tegay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, mas’uuliyiin iyo dadweyne ayaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in Faroole uu kamid ahaa dadkii qeybta muhiimka ah ka qaatay dhismaha Jubbaland, ayna abaal uga hayaan taageeradii uu la garab istaagay.
C/raxmaan Faroole oo dhowaan iska casilay Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa olole ugu jira inuu wax ka bedelo isbaheysiga ka dhex jira aqalka sare, isagoo isku xiraya maamulada Jubbaland iyo Puntland.
SAWIRRO