Cudurka Coronavirus ayaa fara-ba’an ku haya Aqalka looga taliyo dalka Mareykanka, kadib markii uu cudurka ku dhacay shaqaale aad ugu dhow Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi.
Cudurka Coronavirus ayaa laga helay haweeney xoghaye u ah madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence iyo Sarkaal ka mida caawiyeyaasha madaxweyne Donald Trump, taasoo keentay in si weyn loo yareeyo kulamada tooska ahaa ee Aqlka Cad, ayna is karaantiileen madaxweyne ku xigeenka iyo saraakiil sare.
Dhinaca kale shaqaalaha Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa lagu amray inay xirtaan qalabka afka lagu duubto (Mask) marka ay gelayaan qeybta loo yaqaano West Wing ee Aqalka Cad; laakiin waxaa weli diidan inuu afka xirto Madaxeyne Trump.
Sargaalka u sareeya shaqaalaha Aqalka Cad ayaa sheegay in ay qasab tahay in shaqaalaha ay afka duubtaan xilli waliba marka laga reebo marka ay fadhiyaan kuraasta ay ku shaqeynayaan.
Saddex xubnood oo ka mida guddiga xakameynta Coronavirus ayaa is-karantiilay muddo labo toddobaad ah kadib markii ay la macaamileen shaqsiyaad cudurka laga helay oo ka tirsan Aqalka Cad, waxaana xubnahaasi ka mida Dr. Anthony Fauci, oo ah madaxa Hay’adaha qaabilsan la-dagaalanka Coronavirus.
Arrintan ayaa timid iyadoo Madaxweyne Trump uu olole ugu jiray inuu dib u furo dalkaasi si loo soo nooleeyo dhaqaalaha dhulka galay ee Mareykanka, laakiin waxaa muuqata inuu cudurkii Covid-19 u daba maray Aqalkii Cad ee sida weyn loo ilaaliyo.
Mareykanka ayaa cudurka Covid-19 waxaa ugu dhintay dad ka badan 80,000, qof, waxaana cudurka qaba in ka badan 1.3 Milyan oo ruux.