Halis cusub ayaa soo food saartay caalamka, kadib markii cudurka COVID-19 ee uu keeno Coronavirus uu bilaabay inuu ku faafo dalal ka baxsan Shiinaha oo ahaa dalka ugu weyn ee uu kasoo bilowday.
Dalka Koonfurta Kuuriya oo ah dalka labaad ee uu cudurkani halakeeyay ayaa waxaa si weyn kor ugu dadka u dhintay iyo kuwa uu soo ritay, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegeen in South Korea ay cudurka ugu dhinteen 5 qof, halka ay dadka qaba sare ugu kaceen 602 qof.
Dalka Iiraan ayaa laga soo weriyey dhimashadii 8-aad ee cudurka COVID-19, waxaana dalkaasi qaba dad gaaraya 43 qof, iyadoo ay cabsi soo food saartay dadka dalkaasi u safraya iyo kuwa ka imaanaya dalalka ay tegayaan. Dowladda Iiraan ayaa xayiraad ku soo rogtay gobol cudurkan laga helay dad badan.
Dalka Talyaaniga oo ah dalka Yurub ugu darran ee uu cudurkan haleelay waxaa ilaa iyo hadda u dhintay 2 qof, iyadoo laga helay 113 qof, taasoo keenay in karantiil lagu sameeyo gobollo ka mida Talyaaniga, iyadoo maanta oo Axad ah loo baajiyey ciyaaro ka tirsan horyaalka dalkaasi ee Serie A-da.
Guud ahaa dalka Shiinaha oo cudurkan uu kasoo bilowday waxaa laga helay dad gaaraya 76,936 waxayna dadka u dhintay gaareen 2,442 qof.