Khubarada caafimaadka ayaa ka digaya inuu faraha ka bixi karo cudurka COVIN-19 ee uu keeno Coronavirus, kadib markii uu ku faafay dalal cusub, isla markaana ay si weyn u kordheen dadka uu soo ridanayo.
Kiisaskii ugu horeeyay ee Coronavirus ayaa laga helay dalalka Khaliijka Carabta ee Kuwait iyo Baxreyn, waxaana la sheegay inay dadka qaba cudurkaasi ay ka imaadeen dalka Iiraan, iyadoo dalalka deriska la ah Iiraan ay xireen xuduudahooda, ayna soo rogeen in la karaantiilo dadka uga imaanaya dalkaasi.
Dalka Kuwait ayaa looga dhawaaday kiisaskii ugu horeeyay ee cudurka oo laga helay 3 qof oo ka yimid magaalada Mash-had ee dalka Iiraan, halka Bahrain uu isna shaaciyey qofkii ugu horeeyay ee dalkaasi laga helay cudurka Coronavirus.
Dalka Afghanistan ayaa sidoo kale shaacisay inay la tacaaleyso qofkii ugu horeeyay ee cudurka sida oo laga helay dalkaas, gaar ahaan magaalada Herat.
Talyaaniga oo ah dalka Yurub ee uu sida weyn u saameeyay cudurkan ayaa laga soo weriyey inuu qofkii saddexaad u dhintay, iyadoo ay qabaan ilaa 300 qof oo kale, waxaana gebi ahaan la karaantiilay dadka ku nool magaalooyinka Waqooyiga Talyaaniga oo xaalad cabsi ah ka jirto.
Dalka Koonfurta Kuuriya oo ah dalka labaad ee cudurkan faraha ba’an ku hayo ayaa xaalad degdeg ah ku dhawaaqday markii dadka u dhintay cudurka ay gaareen 7 qof, iyadoo laga helay 763 oo 163 ka mida ay yihiin dad maalin qura lagu arkay cudurka.
Guud ahaan caalamka dadka qaba cudurkan waxay hadda ku dhow yihiin 80,00 qof, iyadoo ay u dhinteen 2600 qof oo kale, waxaana dalalka uu sida weyn ugu faafayo marka laga soo tago Shiinaha ay yihiin: South Korea, Iran iyo Talyaaniga.
Cabsida weyn ee ay dhaqaatiirta qabaan ayaa ah inuu cudurku gaaro dalal aan awood caafimaad lahayn oo uu si xowli ah u faafo, iyadoo uu hadda kusii faafayo dalal cusub oo aam hore loogu arag.

