Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Federaalka ayaa shaacisay in cudurka Covid-19 uu mar saddexaad sare u kacay, dibna ugu soo laabtay dalka, waxya na bixisay tallooyin iyo amarro cusub.
Wasaaradda caafimaadka ayaa u soo jeedisay dowladda Federaalka in habeenkii lasoo rogo bandow, isla markaana la qaado tallaabooyin lagu xakameynayo isu imaatinka dadka.
HOOS KA AKHRISO QORAAKA WASAARADDA
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay Habraaca Xakameynta Covid-19 ee Dowladda Federaalka Somaaliya kaasoo faraya mujtamaca Soomaaliyeed, dadka safraya, iyo kuwa u soo safraya Soomaaliya dhaqangelinta nidaamka caalimaga ah ee ka hortaga iyo xakameynta caabuqa COVID-19 iyo Talooyinka Wasaardda Caafimaadka si loo badbaadiyo bulshada Soomaaliyeed.
Qoraal dheer oo kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Somaaliya, iyadoo ka duuleysa xogta caafimaadka ee la socoshada isbedellada Caabuga COVID-19 ee gudaha dalka iyo dunidaba, ay cadeyneysO in cudurka
COVID-19 uu markii sadaxaad dib ugu soo laabtay dalka, Walow weli Baaritaan xaqijin ah ee
nooca Viruska aan la sameynin.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa shaacisay inay lagama maarmaan tahay in la raaco tallooyinka caafimaad ee ka hortaga iyo xakameynta cudurka saf-marka ah ee COVID-19, isla markaana la dhaqan geliyo nidaamka caalimaga ah ee ka hortaga iyo xakameynta caabuqa COVID-19 iyo Talooyinka Wasaardda Caafimaadka si loo badbaadiyo bulshada Soomaaliyeed.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka walaacsan xaaladda isa soo tareysa ee dib u soo
laabashada caabuga COVID-19, waxay soo jeedineysaa in dalka gudihiisa si adag looga dhaqan galiyo talooyinka ay soo jeedineyso Wasaaradda Caafimaadka Federaalka, kuwaas oo kala ah.
1. In la dhimo ama la xaddido isu-socodka iyo kulamada marka laga reebo kuwa aan laga
maarmi karin iyadoo la hubinayo dhamaan habraacayda ka hortaga Covid-19.
2. Si loo xaddido faafidda degdega ah ee caabuqa Covid-19 ee guddaha dalka waxaan soo
jeedineynaa Bandaw habeenkii ah oo ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada soo xadidi doonaan waqtigisa.
3 In si caadi ah u sii shaqeeyaan gaadiidka dadweynaha qaada sida basaska, Bajaajka iyo
WM iyo kuwa gaarka loo leeyahay iyadoo la ilaalinayo, lana hubinaayo Kala fogaashaha
dadka iyo isticmaalka af-xirka.
4. In dadweynahu si adag u dhaqan galiyaan isticmaalka af-xirka iyo kala fogaanshaha marka
ay jogaan Goobaha la iskugu yimaado sida suuqyada, Masaajidada, hoolalka Shirarka,
Maqaayadaha, Xafladaha iyo Goobaha kale ee adeega.
5. In la hakiyo kulamada waaweyn, gaar ahaan isu-soo baxayda, Kulamada fagaarayaasha
Ciyaaraha, iyo kuwa xiliga Ciidaha taasoo hadda ka hor kordhisay faafitaanka Cudurka iyo
tirada dadka uu soo ritay Caabuqa Covid-19.
6. In si ku meel gaar ah loo kala yareeyo shaqaalaha Xafisyada Dowladda marka laga reebo
kuwa lagama maarmaanka ah, iyadoo inta kalana ay ka soo shaqeeyn doonaan guryahooda.
7. In la tallaalo dhammaan Shaqaalaha Dowladda ee aan horay u qaadanin tallaalka ka
hortaga Caabuqa Covid-19.
8. In la kala dhimo shaqaalaha ka hawlgala goobaha ganacsiyada gaarka loo leeyahay qaab
ku saleysan meerto, halka shaqaalaha kale ay kasoo shaqeyn doonaan guryaha.
9. In la tallaalo dhammaan Shaqaalaha ka howlgala shirkadaha Ganacsiga gaarka loo
leeyahay.
10. In dhamman goobaha ganacsiga (Bangiyada, carwooyinka, Hotellada, xafisyadda iyo
Shirkadaha kale) ay dhawraan habraaca ka hortaga Caabuqa Covid-19 sida dhaqangelinta qaadashada Afxirka, kala fogaanshaha ugu yaraan 1 mitir iyo Joogteynta gacmo dhaqashada, Islamarkaana ay hirgeliyaan agabka faraxalka iyo jeermis dilaha.
11. In la yareeyo tirada ka qeybglayaasha kulamada aaska iyo kuwa tacsida si loo xaqijinayo kala fogaanshaha bulshada
12. Wasaaradda Caafimaadka waxay Dardargelinaysaa ballaarinta goobah abaarista Covid-19, iyada oo soo kordhin doonta agab cusub oo casri ah.

AMARO KU SOCDA DADKA DHOOFAYA AMA SOO GALAYA DALKA.
1. Qof walba oo ka dhoofaya ama imaanaaya dalka waa inuu haystaa shahaaddada cadeynta
baarista COVID-19 (Negative PCR Test Certificate) oo leh QR code (quick Response code)
taas oo soo baxday muddo 72 saacadood gudohood ah.
2. Qof walba oo ka dhoofaya ama imaanaaya dalka waa inuu xirtaa af-xir (Facemask) si loo
yareeyo faafidda caabuga COVID-19.
3. Dhamaan musaafiriinta kasoo safraya mid ka mid ah dalalka hoos ku qoran ama soo maray
14 kii maalmood ee la soo dhaafay,waxey si iskood ah u gali doonaan karantiIl muddo 14
cisho ah: Uganda, India, Bangaladesh, Nebal, Sirilanka, Brazil, Mexico, South Africa,
Boqortooyada Sacuudiga, liraan iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.
4. Xogta qof walba oo ka dhoofaya dalka waxaa si joogta ah loogu diiwaan galinayaa hanaanka
la socoshada xogta shaybaarka qaranka si loo xaqijiyo sax ahaanshaha cadeynta baarista
COVID-19 ee uu wato qofka safraaya.
5. Dhamaan Shirkadaha diyaaradaha waa inay daabacaan farimaha ka hortaga COVID-19 una
sharaxaan rakaabka fariimaha si loo ilaaliyo faya-qabka inta lagu gudo jiro duulimaadka, isla
markaana ay dhaqan gelinayaan joogteynta xirashadda af-xirka.
6. Dhamaan muwaadiniinta dalka soo gala tyagoo aan wadanin warqada cadaynta baaritaanka COVID-19 (19 (Negative PCR Test Certificate) waxay mari doonaan karantiil Iskood ah muddo 14 cisho ah, inta laga xaqijinayo caafimaadkood iyadoo la marsiin doono baaris caafimaad oo la xiriirta COVID-19. Halka kuwa ajaanibta ah lagu celin doono dayaaradii keentay si waafaqsan habraaca xakameynta Covid-19.
7. Arimaha la xiriira kala bedelka ciidamada nabad ilaalinta (AMISOM) iyo Ciidamada Ilaaliya xarumaha UNka (United Nation Guard Unit in Mogadishu) waxaa lafarayaa inay raacaan habraaca UNGU Rotation Plan for COVID-19 ee sumaddiisu tahay NV/2020/065 si loo ilaaliyo caafimaadka guud ee bulshada Soomaaliyeed, loona yareeyo culeyska Gegidda Diyaaradaha ee Adan Cadde. Waxaa sidaas la mid ah Ciidamada shisheeye ee tababara ciidamada Soomaaliyeed.
8. Dhamaan Hay’addaha dowliga ah ee ku shaqada leh hawlaha Garoonadda diyaaradaha dalka waxaa laga codsanayaa in ay si dhaw uga wada shaqeeyaan arimaha xakameynta caabuqa Covid-19 si looga hortago khataraha caafimaad darro ee nooga iman kara dalka dibbadiisa.
9. Caruurta safreysa iyo kuwa dalka soo gelaya ee 12 sano jir ah ama ka yar lagama rabo shahaaddada cadeynta baarista COVID-19 (Negative PCR Test Certificate)
20 September 2021