Warbaahinta Alshabaab ayaa lagu faaqiday arrinta taagan ee ku saabsan siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo faalso ama wax aan jirin ku tilmaamay xadiis ka sugan Nebiga NNKH markii uu soo qaatay qeyb ka mida xadiiska inay haweenka naaqus ka yihiin Diinta iyo Caqliga.
Barnaamij ka baxay idaacadda Andalus ee Alshabaab ayaa waxaa ka hadlay culimada Alshabaab ee gobollada aya maamulaan, waxaana lagu soo qaatay hadalkii uu C/raxmaan C/shakuur uu ka jeediyey dalka Jarmalka, isagoo difaacaya xuquuqda haweenka, waxaana sheekh ka mida culimadaasi uu soo jeediyey in magaca laba bedelo siyaasigan loona bixiyo Cabdi-Kafuur iyo Cabdi-Diinaar, waxayna caddeyeen inuu ku dhcay Gaalnimo.
Culimada Alshabaab ee arrintan ka hadlay waxay sheegeen inuu ku jeesjeesayo diintii iyo axaadiistii islaamka, waxaana ka mid ahaa:Sheekh C/waaxid Isaaq Muudey, Sheekh Jaamac C/salaan iyo qaar kale oo fatwo ay soo saareen ku xukmiyey inuu ku dhacay gaalnimo.
Arrintan ayaa daba socota culimo fara badan oo arrintan siyaabo kala duwan uga hadlay, iyagoo dhammaantood ka dalbaday C/raxmaan C/shakuur inuu ka towbad keeno gefka weyn ee uu ku dhacay.