Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Puntland»Cumar C/rashiid iyo C/raxmaan Faroole oo Jawaabo kulul isu mariyey Baraha Bulshada (Akhriso)

    Cumar C/rashiid iyo C/raxmaan Faroole oo Jawaabo kulul isu mariyey Baraha Bulshada (Akhriso)

    January 14, 2022Updated:January 14, 20222 Mins Read Puntland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Sharma’arke iyo Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo ka wada tirsanaa guddi siyaasiyiin iyo odayaal magaalada Boosaaso u tegay xalinta dagaalkii ka dhacay ayaa haddalo isu mariyey Baraha bulshada.

    Labadan siyaasi oo kasoo jeeda Puntland, kana mid ahaa senatooradii Baarlamaankii 10-aad ayaa, isaga hor yimid qaabka loo xalinayo xaaladda magaalada Boosaaso oo dagaal ku dhex maray ciiimada maamulka Puntland iyo kuwa Hay’adda PSF ee uu hoggaamiyo Maxamuud C/llaahi Diyaano.

    Isku dhaca labada oday ayaa kasoo bilowday Bayaan ay Boosaaso kasoo saareen Siyaasiyiinta C/raxmaan Faroole, C/weli Gaas, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland iyo Cumar C/rashiid oo looga horjeeday go’aanno kasoo baxay Isimada Gobolka bari oo la safta dhinaca agaasimihii hore ee PSF. (Halkan ka akhriso)

    Cumar C/rashiid ayaa iska fogeeyay bayaankaasi, kuna sheegay inuusan waxba kala socon, wax talo hana ku lahayn, taasoo ka careysiiyay C/raxmaan Faroole oo ku eedeeyay Cumar C/rashiid inuu ka mid ahaa guddigooda, laguna wargeliyay bayaanka (Akhriso).

    “Waxaan caddaynayaa inaan la igala tashan oo aanan qayb ka ahayn bayaankan soo baxay iyo hadallada uu xambaarsanaa. Boosaaso dhibka soo gaadhay xal iyo baaq nabadeed keliyaa u dan ah” ayuu Cumar C/rashiid ku yiri qoraalkiisa

    C/ramaan Faroole oo magaalada Qardho ka hadlay ayaa sheegay in Cumar uu markii hore ka tegay iyadoo ay doonayeen inuu la joog, kadibna uu qoraalkoodii war kasoo daba tuuray oo ah fahmi la’ yihiin ujeedkiisa, wuxuuna beesha uu kasoo jeedo kula taliyey inuusan siyaasad danbe soo doonan.

    “Cumar baan idiinka dacwooneynaa, Cumar ama dadka ku soo dara ama siyaasad dambe yuu ka hadlin, isagoo Prime Minister raadinaya yaan la arkin….” ayuu Qardho ka yiri Faroole.

    Arrintaan waxay soo jiidatay jawaab kale oo ka timid Cumar C/rashiid, taasoo u muuqatay inay ku socotay C/raxmaan Faroole oo uu ku sheegay inuusan dhexdhexaad ka ahayn arrinta Boosaaso.

    “Wafdigii Boosaaso qabtay waxay ka koobnayen marjac, Isimo iyo mid Siyasadeed. Wafdigii Isimada ee nooga fara dhuubnaa arrinka daraf kama noqon mowqifkii Isimada Bari ay qaateen, sidoo kalena marjaca Siyasadeed inuu dhexdhexaad ku ekaado ayey ahayd si Berri xalka ay usoo dhaweeyaan” ayuu qoraalkiisa jawaabta ahaa ku yiri Cumar C/rashiid.

    Odayaashii siyaasiyiinta ahaa ee Puntland ayaa hadda ku kala qeybsamay xalinta xaaladda Boosaaso, iyadoo markii hore ay Isimadii ku kala qeybsameen, waxayna Arrinta Boosaaso noqotay mid xalkeedu mugdi sii galay.

    Boosaso C/raxmaan Faroole Cumar C/rashiid Puntland
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAbiy Ahmed oo laga cabsi qabo in lagala noqdo Abaalmarintii Nobel ee Nabadda Adduunka
    Next Article Puntland oo Qoraal u dirtay Beesha Caalamka, kuna caddeysay Mowqifkeeda is-casilaadii..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo