Thursday, May 15, 2025

Cumar C/rashiid oo Garowe tegay iyo xiisad cusub oo ka dhex qaraxday Puntland & Dowladda Federaalka

Ra’iisal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke) ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland, waxaana socdaalkiisa oo hore u qorsheysnaa uu ku soo beegmay iyadoo Puntland ay abuurtay xiisad kale oo ku saabsan maamul u sameynta gobolada dhexe kadib markii golaha wasiirada mamaulkaasi uu cambaareeyay khudbadii madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay Dhuusmareeb.

RA'IISAL WASAARIHII DOWLADII KMG AHAYD, IYO MUSHARAXA LOO MAGACAABAYO RA'IISAL WASAARAHJA CUSUB
RA’IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA CUMAR C/RASHIID CALI SHARMA’ARKE

Cumar C/rashiid ayaa socdaalkiisa Garowe wuxuu dhexda uga dhacayaa xaalada ay abuureen maamulayaasha Puntland, waxaase hore ugu qorsheysnaa inuu kala hadlo arrimaha hiigsiga cusub ee 2016-da oo dowladda Federaalka ay dooneyso in qorshe isku mida oo dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada u dhan yihiin.

Qorshaha kale ee Ra’iisal wasaaraha waxaa kamida qabanqaabada shir muhiim ah oo maamulada dalka iyo Dowladda federaalka ku yeelan doonaan Garowe, kuna saabsan hiigsiga cusub, waxaase laga rajo qabaa inay xaalada u fududeyn doonaan maadaama uu ka soo jeedo degaankaasi isna fahmi karaan si ka duwan Ra’iisal wasaarihii hore.

Ad

Dhinaca kale Cumar C/rashiid ayaa lagu wadaa inuu socdaal ku tago magaalada Kismaayo, halkaasoo ay  ka socoto xulitaanka Baarlamaanka maamulka Jubba oo khilaaf ka taagan yahay, isla markaana beelo badan ay cabasho ka keeneen.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

- Advertisement -

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-4″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON