Wafdi ka socday Midowga Yurub iyo Q/Midoobay oo booqday maanta degmada Cadaado ayaa wadahadal la yeeshay maamulka Cadaado oo ay kala hadleen shirka maamul u sameynta gobollada Dhexe ee lagu wado inuu halkaasi ka furmo iyo xaalada ammaanka degaankaasi, sida uu sheegay madaxweynaha Ximan & Xeeb C/llaahi Cali Maxamed .
[ad name=”HTML-2″]
Md. Baarleex wuxuu sheegay in furista shirka maamul u sameynta iyo xilliga ay tahay in la qabto ay go’aan ka gaarayaan dadka uu quseeyo ee aanay ahayd mid uu go’aamin karo Xasan Sheekh, wuxuuna si weyn ugu eedeeyay madaxweynaha  dowladda Federaalka Soomaaliya go’aankii uu ku magacaabay inay Dhuusamareeb noqoto caasimada maamulka gobolada dhexe.
Shir jaraa’id oo uu madaxweynaha Ximan & Xeeb qabtay kadib kulankii uu la yeeshay wafdiga ka socday beesha caalamka ayuu ku sheegay inaan shirka furmi karin inta laga wadahadlayo go’aankii sharci darrada ahaa ee ka soo yeeray madaxweynaha intii uu joogay Dhuusmareeb sida uu yiri C/llaahi Cali Baarleex oo u adkeystay in wadahadal cusub la furo inta aan shir maamul u sameyn la guda gelin.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-4″]