Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’ark oo shalay tegay magaalada Garowe ayaa lagu kulamo la leh madaxda maamulka Puntland iyo waxgaradka degaankaasi si xal loogu helo qaabka doorashada Soomaaliya ee 2016.
Kulamada ugu adag ee maanta ka qeyb galayo waxaa ka mida kulan dhex mari doona madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole oo ah mas’uulka ugu weyn ee ka danbeeya in Puntland diido 4.5, waana culeys weyn oo saaran madaxweynaha Puntland.
Wararka laga helayo Garowe ayaa sheegaya in Puntland aanay sidii hore ugu dheganeyn diidmada 4.5 kadib markii looga digay inay arrintaasi keeni doonto muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda Soomaaliya, rajada Cumar C/rashiid ee socdaalkiisa Garowe ayaa ah inuu markan xal ka heli doonto tolkiisa.
Cumar C/rashiid oo hore uga caawiyay C/weli Gaas inuu xaliyo dhibaato ka heysatay gudaha Puntland ayaa aaminsan in diidmada Putnland ee 4.5 aanay ahayn mid ka socota madaxweyne Gaas ee ay tahay mid reer Garowe ka timid.
Wadani.com