Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Cumar C/rashiid oo war ilduuf ah kasoo saaray Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran dalka India

    Cumar C/rashiid oo war ilduuf ah kasoo saaray Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran dalka India

    September 25, 20163 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Cumar-Cabdirashiid-Cali-Sharmaarke
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa laga soo xigtay inuu ka xun yahay xukunka dilka ah ee lagu riday dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka India.

    Warka Ra’iisal wasaaraha oo soo baxay caawa ayaa yimid iyadoo madaxtooyada Soomaaliyaay sheegtay inuusan jirin xukun dil ah oo lagu riday maxaabiista ku xiran dalka India, isla markaana ay laga soo xigtay safiirka Soomaaliya u fadhiya India inuusan wax xukun ah ku dhicin dhalinyaradaasi oo maxkamadu go’aan ka gaari doonto 30-ka Bishan.

    Warka uu soo saaray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee loo diray saxaafadda ayaa qeyb ka ah warar kala duwan oo si habqan iyo jaantaa rogan ah maanta uga soo kala baxay wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

    Afhayeenka madaxtooyada Daud Aweys ayaa laga soo xigtay in mas’uuliyiinta India ay beeniyeen in wax xukun ah lagu riday dhalinyarada maxaabiista ah ee ku xiran India.

    Mas’uuliyiinta #Somalia iyo #India oo sheegay inaanu jirin xukun lagu riday Soomaali eedeymo burcad-badeednimo ah ugu xiran India

    — Villa Somalia (@TheVillaSomalia) September 25, 2016

    Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo VOA wareysi siiyay ayaa isna sheegay inay xiriir la sameynayaan dowladd India, safiirka Soomaaliya ee dalka India Ebyan Ladane ayaa caddeysay inuusan jirin xukunka dilka ee laga faafiyay in lagu riday maxaabiista, halka wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo dhinaciisa ka soo saaray war-saxaafadeed u gaara.

    Arrimahan oo dhan waxay muujinayaan isku xir la’aanta dowladda dhexdeeda iyo in Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid go’doon ku jiro oo aan xitaa ka warqabin wararka warbaahinta laga tebiyay.

    HOOS KA AKHRI WARKA CUMAR C/RASHIID


    Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in Xukuumadd Soomaaliya aysan ku qanacsanayn xukunka dilka ah ee dowladda India ay ku riday dhalinyaradda Soomaaliyeed ,madama aysan helin fursad ay iskaga difaacaan eedaymaha loo soo jeediyey.

    “Xukumadda Soomaaliya kuma qanacsano xukunka dowladda India ay ku riday dhaliyaradda Soomaaliyeed ee ku xirnaa xabsiyadda dalkaasi, qof kasta oo bini’aadan ah waxa uu xaq u leeyahay in uu helo xukun ku dhisan Cadaladd, sidaa daraadeed waxaan aaminsanahay in muwaadiniintaas Soomaaliyeed aysan helin Cadaalad maadaama an fursad loo siinin in ay qabsadaan qareeno u doodda ama ka difaaca eedaymaha loo haysto “ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

    Ra’iisul Wasaare SSharmarke ayaa tilmaamay in xukumadu ay kala hadli doonto dowladda India Xukunka ay ku riday dhalinyaradda Soomaaliyeed kuwa ku jira xabsiyadda dalkaasi sidii ay ku heli lahayeen dar-yeel bini aadanimo iyo xukun cadaalad ah .

    “ Dowladda India wan kala hadli doonaa dhalinyaradda ku jirta Xabsiyada Dalkaasi sidii ay u heli lahayeen dar-yeel bini aadanimo iyo xukun ku salaysan Cadaaladda ,waxaan sidoo kale la wadaagi donaa in xukumadda Soomaaliya ay aaminsan tahay in xukunkii lagu riday dhalnyaradda Soomaaliyeed uusan ahayn mid Cadaaladda ah, aysana xaq u helin Soomaaliyeed in ay helaan fursad ay isku difacaan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

    Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke ayaa ugu danbayntii xusay in Xukumadda Soomaaliya ay dadaal wayn ku bixinayso sidii ay dhaliyaradda Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyadda Calamka ay u heli lahayeen xukun ku dhisan Cadaalad isla markaana ay qayb ka mid ah xukun kooda ugu qadan lahayeen Xabsiyadda ku yaalla Dalka.

    —-DHAMMAAD—–

    Cumar C/rashiid India Maxaabiista
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDanjiraha Soomaaliya ee India Ebyan Ladane: “Ma jiro xukun dil ah oo ku dhacay maxaabiista Soomaalida..”
    Next Article Wasiir Odowaa: “Shaakir iyo kooxdiisa afduubka ay Dhuusamareeb ku hayaan ha joojiyeen..” DHAGEYSO

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo