Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa jawaab kulul ka bixiyay kiiska dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Isagoo ka hadlayay Madaxtooyada Puntland ee Magaalada garowe ayuu sheegay in dacwadda Badda ay noqotay arrin ay magac ku raadsanayaan shaqsiyaad xildoon ah oo doonaya inay magaca dilaan Xukumadiisii sanadkii 2009 oo shaqsi ahaan weeraraya.
Cumar C/rashiid wuxuu beeniyay inuu jiro heshiis ay la galeen Kenya oo ku saabsan Badda Soomaaliya, isla markaana aysan saxiixin wax heshiis ah oo Bad lagu bixiyay, isagii sheegay in la doonayo in Magac lagu helo Dacwada Muranka Badda sida uu hadalka u dhigay.
Ra’iisal wasaaraha ayaa arrinta Badda si dadban farta ugu fiiqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka danbeeyo adeegsiga dacwadda Badda.
Wadani.com