Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Daacish oo shaacisay inay weerarkii ugu horeeyay ka fulisay Soomaaliya

    Daacish oo shaacisay inay weerarkii ugu horeeyay ka fulisay Soomaaliya

    April 25, 20162 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Daacish oo shaacisay inay weerarkii ugu horeeyay ka fulisay Soomaaliya
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ururka ISIS ayaa sheegay in qarax ay la beegsadeen mid ka mid ah baaburta ciidanka milatariga ee hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo marayey agagaarka KM-13.

    Sheegashadan ayaa haddaba noqonaysa middii ugu horraysay ee ay sheegtaan ururka ISIS inay weerar ka gsyteen gudaha dalka Soomaaliya.

    Afhayeenka ciidamada AMISOM Joseph Kibet ayaa idaacdada VOA u sheegay inuu jiray isku day weerar oo ka dhacay maanta agagaarka KM-13 balse uu qaraxu dhacay kadib markii ay gudubtay kolonyada ciidamada AMISOM, islamarkaana aan wax khasaare ah soo gaadhin gaadiidka iyo askarta AMISOM.

    “Waxaa jiray isku day weerar saacaddu markii ahayd 11:15, mid ka mid ah kolonyada baabuurteenna ayaa ka gudbaysay goob isgoys ah oo 13 km u jirta Muqdisho, markii ay isgoyska dhaafeen ayaa qarax dhacay, waxay isku dayeen inay baabuur la eegtaan miino laakiin waxa ay qaraxday markii kolonyadi dhaaftay.”ayuu yiri afhayeenka AMISOM Joseph Kibet.

    ISIS sheegashadeeda faahfaahin dheeraad ah kama bixin, mana aysan sheegin xitaa goorta uu dhacay weerarka. Waxayse noqonaysaa in ka sokow weerarka ay noqoto markii ugu horraysay ee ISIS lagu maqlo agagaarka Muqdisho.

    Afhayeenka AMISOM wax uu sheegay inay arkeen sheegashada ISIS balse ay aaminsan yihiin in sheegashadu been tahay.

    “Argagixisada wax kasta ayey iska sheegtaan, qof kasta ayaa iska sheegan kara inuu yahay ISIS. Ilaa hadda annagu ma arkin wax caddaynaya, iskama aynaan hor iman ISIS, ma aaminsani inay ISIS tahay, waxay ila tahay inay yihiin mid ka mid ah unugyada Al-Shabaab oo sheeganaya ISIS, kamase warqabono in ISIS joogto Muqdish” ayuu yiri Jospeh Kibet.

    Ururka Al-Shabaab illaa iyo hadda ma sheeganin weerar inuu maanta ka dhacay agagaarka, waxaana lagu yaqaan in ururku ay si degdeg ah u sheegtaan weerrada caynkaas ah.

    Bishii Oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay ayey ahayd markii koox ka tirsan ururka Al-Shabaab oo uu hoggaaminayo wadaadka lagu magaacabo Cabdulqaadir Muumin ay degaanada buuraha Calmadow kaga dhowaaqeen inay ku biireen ururka ISIS.

    Dhinaca Koonfurta Soomaaliya, Al-Shabaab ayaa dagaal milatari ku qaadaay xubno sheegay inay ku biireen ISIS, iyaga oo khaarajiyey dhowr xubnood oo lagu tuhmay inay u leexdeen dhinaca Daacish.

    VOA

    Daacish Daacishta Soomaaliya ISIA ISIS Soomaaliya
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleEber Cod waa ka mid Musuqmaasuqa Doorashada [W/Q: Yusuf Garad]
    Next Article XOG: Wasiirkii ugu dhowaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hor yimid, una wareegaya Musharax kale

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo