Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»XOG: Wasiirkii ugu dhowaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hor yimid, una wareegaya Musharax kale

    XOG: Wasiirkii ugu dhowaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hor yimid, una wareegaya Musharax kale

    April 25, 2016Updated:April 25, 20162 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Iyadoo la galay xaaladda kala guurka ah ee dowladda Federaalka, isla markaana qarka loo saaran yahay doorashada xilalka sare ee dowladda cusub ayaa waxaa soo baxaya inay kala furanayaan siyaasiyiin isu dhowaa iyo soo shac bixitaanka isbahayeso siyaasadeed oo cusub.

    Waxaa ugu dambeeyay in mid ka mida xubnaha Golaha wasiirada ee aadka ugu dhowaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, laguna tilmaami jiray gacan-yaraha madaxweynaha ee dhinaca maaliyadda ay isku dhaceen, kuna kala tageen siyaasadda xilligii ugu adkaa madaxweyne Xasan Sheekh.

    Wasiiru Dowlaha Maaliyadda xukuumadda Federaalka C/llaahi Maxamed Nuur oo ahaa wasiir  mar kasta xilkiisa ku soo noqonayay saddexdii xukuumadood ee laga hoos dhisay Xasan Sheekh iyo ganacsade ka qeyb ka leh Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho ayaa ka si toos ah uga hor yimid qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

    Sababta khilaafka Xasan Sheekh iyo C/llaahi Maxamed Nuur ayaa salka ku haya shirka Jowhar iyo cidda noqoneysa madaxweynaha maamulka aan lagu heshiin ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana shirkii ugu danbeeyay oo horaantii bishan dhex martay beesha Wasiir C/llaahi iyo madaxweyne Xasan Sheekh ku dhamaaday guuldarro lagu kala tegay markii Xasan Sheekh la soo shir tegay inuu xilka madaxweynaha maamulka labada gobol la doonayo C/qaadir Cosoble Cali, kana biyo diiday taladii Wasiirka iyo beeshiisa.

    C/llaahi Maxamed Nuur ayaa la sheegay inuu khilaafkaas dartiis dalka uga dhoofay, isagoo hoosna ka wada qorshe lagu fashilinayo shirka Jowhar, waxaana si rasmi ah ay u kala furteen saaxiibkii ay siyaasadda saddexda sano iyo barka ay ahaayeen.

    Arrintan ayaa loo arkaa jug kale oo ku dhacday madaxweynaha Xasan Sheekh oo olole ugu jira in mar kale loo doorto xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Waxayna kooxda Madaxweynaha ka cabsi qabaan inuu mar kale la safto Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay qaraabo dhow yihiin, isla markaana siyaasadda ku soo daray, isla markaana xiriir toos ahi ka dhaxeeyo.

    Wadani.com

    C/llaahi Maxamed Nuur Doorashada 2016 Shirka Jowhar Top Wasiir ka hor yimid Xasan Sheekh
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDaacish oo shaacisay inay weerarkii ugu horeeyay ka fulisay Soomaaliya
    Next Article AMISOM oo xaqiijin iyo beenin wada socda kasoo saartay weerarkii Daacish

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo