Digniin ku socota Madaxweyne farmaajo
Waxaan halkaan Ku soo gudbinayaa arrin qatar ah oo ay sameeyeen Sirdoonka Ethiopia oo ah in ay heystaan isla markaana ay maamulaan Qaar ka mid ah kaamirooyin-ka (CCTV) ee ku xiran Xarunta (Villa Somalia) .
Kaamirooyinka waxeey kala socdaan:
1- La socodka Dadka u imaanaya Madaxweynaha.
2- La socodka Kulamada Madaxweynaha iyo Shirarkiisa
3- La socodka dhaqdhaqaaqa Madaxweynaha (markii uu baxayo iyo markii uu soo galayo) xarunta (Villa Somalia)
4- La socodka dhamaaan dhaq dhaqaaqa madaxweynaha iyo shaqaalaha Madaxtooyada.
Meelaha ay ku xiran yihiin Kaamirooyinka qaar.?
1- Parkinga baabuurta la dhigo ee xarunta Madaxtooyada.
2- Albaabka laga soo galo xarunta madaxtooyada iyo ka soo horjeedka Madaxtooyada gaar ahaan Hotel SYL,
3- Wadooyinka u dhaxeeyo qololka Madaxtooyadda.
4- Qaar ka mid ah xafiisyada Xogheynta madaxtooyada,
5- Hoolka shirarka Madaxtooyada.
Fiiro gaara:
1-Dhamaan kaamirooyinka Sirdoonka Ethiopia waxaa laga Xukuma xarunta Safaarada Ethiopia oo ku dhextaal Villa Somalia.
2- Si aan loo fahmin waxay sameeyeen sadaxdii kaamiro oo ku xiran hal meel, mid ka mid ah waxay si toos ah u aada Safaaradda.
3- kaamirooyinkaan waxaa lagu xiray xilligii uu Xasan Garguurte Madaxweynaha loo doortay.
Talo soo jeedin.
1- Madaxweynaha iyo team-kiisa waa iney badalaan dhamaan kaamirooyinka ku xiran Xarunta Madaxtooyadda iyo meelaha ku dhow dhow Xarunta Villa Somalia, Madaama kaamirada ay u dhiganto Askari Qarsoon,
2- in lagu noqdo dhaamaan Network iyo habka ay ku shaqeyso dowlada gaar ahaan kuwa ku xiran Internet-ka network.
Haddii aan sidaas la yeelin waxeey ku guuleeysan karaan iney Madaxweyne Farmaajo si fudud ku dilaan iyagoo ku hogaamin kara cadawga ama dadka u shaqeeya.
by Dahir Alasow