Bandhigii ugu weynaa ee ololaha Doorashada ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo ka qeyb galeen xildhibaanadii ugu badnaa ee musharax isugu yimaada taageerada hal musharax.
Kulankan ayaa siyaabo kala duwan loo arkay iyadoo tirada ka qeyb gashayna lagu kala duwan yahay, Xasan Sheekh ayaa bartiisa twitterka ugu mahad celiyay 190 xildhibaan oo xafladiisa ka qeyb galay.
Saxafiyiin goobta ku sugnaa ayaa sheegay in xildhibaanada xafladda tegay ay ahaayeen in ka badan 100 xildhibaan, waxaa kaloo jirtay tiro kale oo ku saabsan in xildhibaanada labada aqal ee xafladii taageerada xalay ay gaarayeen 190 xidhibaan.
Si kastoo ay xafladaasi u dhacdaba, waxay caddeyn u tahay taageerada uu heysto madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya in dib loo doorto, waxaana goobta ka muuqda in xildhibaano aan hore loo filayn ay taageerayaan dib u doorashada Xasan Sheekh.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.cm