Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo maanta ka qayb-galay shirka mucaaradka ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, isaga oo weerar culus ku qaadan Madaxweyne Xasan Sheekh.
“Waxaan diyaar u nahay inaan ka qayb-qaadano waxa ka socda Soomaaliya oo burburtay iyo rajadii siidii loo soo celin lahaa, sababtoo qadka ayay ka dhacda Soomaaliya” ayuu yiri Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).
Cabdi Qeybdiid ayaa madaxweynaha ku eedeeyay iisku soo koobay taladii dalka, isla-markaana uu burburiyay hay’adihii kala duwanaa ee dowladda. “Dowladdan hadda jirto waad ogtihiin ma taagna oo wixii oo dhan hal sanduuq ayay ku jiraan oo hay’ado ma shaqeeyaan” ayuu mar kale yiri.
Wuxuu kaloou xusay mucaaradka shiraya looga baahan yahay inay keenaan isbeddal dhab ah, si loo helo hoggaan dalkan samata bixin kara dalka. “Hadii ay baahashu tahay sidii hore oo awelba inta la’isku yimaado baahasha la kala kacsado, oo hayd qofbaa qof beddali jiray, waxna isma beddali jirin” ayuu sii raaciyay.