Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»DAAWO: Dhageysiga dacwadda Badda oo la soo gabagabeeyay [Muxuu ku dambeyn doonaa Kiiskan?]

    DAAWO: Dhageysiga dacwadda Badda oo la soo gabagabeeyay [Muxuu ku dambeyn doonaa Kiiskan?]

    September 23, 20162 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee fadhigeedu yahay magaalada Hague, ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysi socday isbuuc oo ku saabsanaa diidmada horudhaca ah ee ay Kenya ka keentay dacwadda ay Soomaaliya maxkamaddaasi u gudbisay 2 sano ka hor.

    Dooda labada dhinac

    Soomaaliya ayaa mar kale ku gacan seyrtay soo jeedintii Kenya ee ahayd in heshiiska Is-afgaradka uu yahay mid suurtagelin karta inay labada dal ku heshiiyaan xadeynta badda.

    Intii uu dhageysiga socday, waxaa soo baxday in labada dhinac ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin ujeedada laga lahaa Is-afgaradkaasi.

    Kenya waxay ku cel-celisay in ujeedada heshiiskaasi uu ahaa in labada dal ay wadaxaajood ka yeeshaan muranka.

    Sidaas darteedna dacwaddan ay ka baxsantahay xeer -xeyndaabka maxkamadda maadaama ay maxkamaddu qaado dacwadaha dalalka siyaabo kale ku heshiin waayay.

    Qareenada Soomaaliya ayaa haseyeeshee diiday doodaas waxayna xasuusiyeen qareenada Kenya in heshiiskaasi uusan meesha ka saari karin xaquuqda ay Soomaliya u leedahay inay caddaalad ka raadsato maxkamadda.

    Waxay sheegeen in hadii la raaco qaabka ay Kenya rabto ay qaadan karto ku dhawaad 20 sano, labada dalna ay dani ugu jirto in si dhakhse leh loo soo afjaro murankan.

    Go’aanka Maxkamadda.

    Go’aanka maxkamadda ayaa noqon doona mid kama dambeys ah, oo ay tahay in labada dal ay u hoggaansamaan.

    Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaalia, Dr. Axmed Daahir, ayaa BBC-da u sheegay in garsoorayaasha maxkamadda ay go’aan ku gaari doonaan 3 bilood gudahood.

    Haddii ay maxkamadu go’aamiso in Kenya aysan daw u lahayd diidmada dacwadda, waxay Kenya ku khasbanaan doontaa inay ka jawaabto dacwadda ay maxkamaddu heysay Soomaaliya sanadddii 2014-kii.

    Balse taasi badalkeeda haddii garsoorayaasha ay qaataan dooda Kenya markaasi waxaa labada dal u furnaan doonta in ay khilaafkooda ku dhamaystaan wadahadal.

    Dhagaysigan la soo gabogabeeyay ayaa khuseeyay oo kaliya diidmada ka timid dhinaca Kenya oo ku doodeysa in maxkamaddan aysan awood u lahayn in ay xaliso murankan.

    Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduudda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

    BBC

    Hague Kenya-Somalia Kiiska Badda Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO XUSUUS: Xasan Sheekh 4 sano ka hor ku hadlaya Codka Musharixiinta Maanta
    Next Article SONNA oo raaligelin ka bixisay War ay ka qortay Madaxweyne Xasan Sheekh [AKHRI WARBIXIN]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo