Diyaarad ay la socdeen ciyaartoyga xulka Suadi Arabia ayaa uu dab ku qabsaday iyadoo hawada ku jirta xilli ay ku sii jeeday magaalada Rostov oo ay ciyaartooda labaad ee Koobka Adduunka kula yeelanayaan Arbacada xulka Uruguay.
Diyaarada ayaa si lama filaan ah dab uga kacay, balse waxay gaartay magaalada Rustov oo si nabad ah ku caga dhigatay. Muuqaalada laga qaaday diyaaradda ayaa muujiyey in garab ka mida diyaradda uu olol iyo qiiq ka baxayey.
Xiriirka kubadda cagta Sacuudiga ayaa sheegay in dhamaan ciyaartoyga xulka dalkasi ee diyaaradda saarnaa ay caafimaad qabaan, isla markaana ay diyaaraddu ku degtay madaarka Don Airport ee magaalada Rostov iyadoo aanay wax dhibaato ah dhicin.
Diyaaradda arrintan qabsatay ayaa nooceedu ahaa Russian Airlines Airbus A319-100, waxaan shilkan si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada Carabta.
DAAWO VIDEO