Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta tegay magaalada Baydhaba ayaa Garoonka Kubbadda Cagta ee Dr. Ayuub kula hadlay magaalada dadweyne isugu soo baxay soo dhoweyntiisa.
Kheyre oo khudbadiisa ku bilaabay ereyo Lahjada Maayga ayaa dadweynaha Baydhaba uga mahad celiyey soo dhoweyntiisa, wuxuuna balan qaaday inuu dhisay Garoonka Dr, Ayuub ee magaalada Baydhaba, isagoo sheegay inay Baydhaba u tageen wadahadal ay la yeelanayaan madaxda maamulka K/Galbeed oo ay kala shaqeynayaan amniga iyo furista jidka isku xira Muqdisho iyo Baydhaba.
HOOS KA DAAWO