Waxaa si weyn loo hadal hayaa sawir laga soo qaaday Amiir u dhashay dalka Sacuudiga oo shimbirka Galeyrka loo yaqaan 80 ka mida u kireeyay diyaarad rakaab ah.
Sawirkan oo lagu faafiyay barta Reddit ayaa noqday mid malaayiin qof ay isu direen, waxaana aad loo falanqeeyay heerka ay gaartay lacagta badan ee ay ku ciyaarayaan amiirada qoyska reer Boqor ee Sacuudiga xilli dunida dhinacyadeeda ay jiraan dad gaajo ugu dhimanaya.
Amiirkan Sacuudiga u dhashay oo aan magaciisa la sheegin ayaa mid kasta oo ka mida shimbiraha loo yaqaan GALEYR-ka u kireeyey Kursi, waxayna sawirrada muujinayaan kuraastii diyaaradda oo halkii ay dad ku fadhin lahaayeen ay ku dul taagan yihiin shimbirahaasi.
Sawirka ayaa la sheegay inuu qaaday mid ka mida duuliyeyaasha diyaaradda Dadka diyaaradaha. Waxaana caadi ah in Amiirada carbeed ay mar kasta kuraas weliba nooca qaaliga ah u kireeyaan kuraas, inkastoo tirada lasoo sawiray ay tahay kuwo aad u badan oo aan hore loo arag.
Galeyrka ayaan shimbir qeyb ka ah caadada carabta waxaana kala bar inta dunida ku nool ay joogaan dalalka Bariga Dhexe.
Wadani.com