Laba qarax oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lala beegsaday laba jid-gooyo oo laga galo garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Qaraxyada oo ahaa kuwo xoog leh, waxaana kadib la maqlay rasaas xoog leh oo dhaceysa. Waxaa lasoo weriyay inay jiraan dhimasho iyo dhaawac iyadoo la arkayo gaadiidka gurmadka degdegga ah oo goobta ka daadgureynaya dadka waxyeeloobay.
Dadka ku dhintay weerarada ayaa waxaa u badan ciidamada ilaalada barta koontaroolka ee laga ilaaliyo iridka Medina Gate, waxaana halkaasi la dhigay gaari ay ka buuxaan waxybaaha qarxa.
Gaariga xoog ku socda ayaa isku dayay inuu awood ku maro jid-gooyada kaasoo ka gudbi waayay ciidamada, halkaasina ku sameeyay qarax weyn, kadibna waxaa wax yar kadib qarxay gaari goobta la sii dhigay.
Huge explosion near Medina Gate at Aden Adde International Airport!! pic.twitter.com/IkiQFU9Azo
— Kamal Gutale (@KamalGutale) July 26, 2016
SAWIRRO HORDHAC AH
GOOBJOOGE.COM