Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo ku taalla bartamaha Soomaaliya ayaa gebi ahaan biyihii roobabka ay go’doomiyeen iyadoo ay saameyn ku yeesheen dadkii ku noolaa magaaladaasi.
Beledweyne oo ka mida magaalooyinka ay had iyo jeer maasheeyaan daadka ka dhasha roobabka ayaa iminka laga deyrinayaa xaaladeeda, waxaana daadadkaasi ku barakacay kala bar dadkii magaalada.
Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shir jaraa’id ku qabtay isagoo biyo ku dhex jira, wuxuuna ka hadlay xaaladda magaalada ay halis ku jirto, isla markaana koronto ay maqan tahay, isla markaana aanu shaqeyneynin adeegga EVC.
Baahida magaalada Beledweyne ayuu sheegay inay hadda tahay baahi loo qabo gurmad loo sameeyo dadka dhibaateysan oo hadda ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay dadka ka rarrayaan guryaha daadadku galeen laakiin aan loo heynin wax gargaar ah, wuxuuna dalbaday in dadkaasi kaalmo lala gaaro.