Midowgii Shirkadaha diyaaradaha Soomaalida ugu caansan ee Daallo Airlines iyo Jubba Airways ayaa soo gabagaboobay kadib 2sanadood oo ay ku dhawa shaqeynayeen magaca African Alliance.
Maamulka Shirkadda Daallo ayaa shaaciyay dhowaan inuu dib uga baxay midowga uu la lahaa shirkadda Jubba, isla markaana uu si toos u bilaabayo duulimaadyadii gudaha iyo dibadda.