Waxaa goor dhow caawa ka bilaabanaya Garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho ciyaartii kama danbeysta ah ee tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Tartankan oo ay isugu soo hareen degmooyinka Hodon iyo Waaberi waxaa loo wareejiyay in habeennimo la qabto, iyadoo dadweyne fara badan ay ku qulquleen garoonka, waana markii ugu horeysay ee xilli habeen ah Muqdisho ay ka dhacdo ciyaar kubadda cagta ah.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKII UGU DANBEEYAY EE GAROONKA