Olole dhinaca internet-ka ah oo deeq loogu ururinayo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku dhufteen ayaa noqday mid caan baxay oo si lama filaan ah u helay taageero dunidoo dhan ah.
Ololahaan oo lagu xiray shirkadda diyaaradda Turkish Airlines oo ogolaatay inay deeqaha la ururiyo u daabusho Soomaaliya ayaa waxaa taageeray dad caan ah oo isugu jira ciyaaryahanno, jilayaal iyo dhalinyaro baraha bulshada caan ka ah oo dunida kala jooga.
Ololahan waxaa lagu abuuray qoraal uu soo dhigay twitter-ka nin lagu magacaabo Jerome Jarre oo Faransiis ah, caanna ka ah baraha bulshada, kadibna waxaa Arbacadii dhoweyd la samey hal-ku dhigyada kala ah: #TurkishAirlinesHelpSomalia and #LoveArmyForSomalia.
Ololaha waxaa si buuxda u taageeray dad caan ah oo ay ka mid yihiin: Jilaaga Ben Stiller, xubno baraha bulshada caanka ka ah ee Juanpa Zurita, filim sameeyaha Casey Neistat, ciyaarhahanka Colin Kaepernick iyo kuwo kale.
Baraha bulshada ayaa qeyb weyn ka qaatay ololaha, iyadoo kooxda ololaha wada ay sameeyeen bar lagu ururiyo lacaga deeqda ah ee Soomaalida lagu caawinayo, (Booqo barta lacag ururinta) waxaana la yaab leh in kooxdan oo muddo 9 maalmood ah ku dooneysay inay ku hesho lacag dhan 1 Milyan oo doolar ay xaaladu noqotay in 24 gudahood ay lacagtaasi ku helaan.
Dadka lacagaha ugu badan bixiyay ayaa kala ah: