Ciidamada Suuriya ayaa maanta Gantaal la helay Diyaarad dagaal oo ay leedahay Israa’iil taasoo ku burburtay gudaha Israa’iil.
Diyaaradda dagaalka Israa’iil ayaa la toogtay markii diyaaraddu fulisay weerrar ka dhan ah bartilmaameedyo Iiraan ay ku leedahay gudaha dalka Suuriya, Saldhigyo milateri oo ciidamada Suuriya leeyihiin.
Labadii duuliye ee diyaaradda wadday ayaa baarashuut kaga booday diyaaradda kaddib markii ay ku burburtay waqooyiga Israa’iil. Isbitaalka ayaana markii dambe la dhigay, waxaana la sheegay in duuliye ka mida ay xaaladiisu liidato oo dhaawac culus uu soo gaaray.
Israa’iil ayaa sheegtay in diyaaradeeda dagaalka ee F-16 ay waday weerraro ay kaga jawaabaysay diyaaradaha aanay cidina wadin ee ay Iiraan leedahay oo gudaha u soo galay Israa’iil. Diyaaradahaasi aanay cidina wadinna markii dambe waa la horjoogsaday.
Dowladda Suuriya ayaa shaacisay Ciidammada Suuriya ay rasaas fureen diyaaradda dagaalka kaddib markii Israa’iil ay ku dhaqaaqday fal daandaansi ah, waxaa sidaas lagu baahiyay warbaahinta qaranka.