Dab xoog leh oo xalay qabsaday Suuqa weyne ee Boocle oo ku yaala degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho ayaa baabi’iyay inta suuqaasi iyadoo qasaare weyn uu halkaasi ka dhashay.
Dabka ayaa bilowday xalay fiidkii taasoo keenetay in gurmadku xilli hore imaan waayo, iyadoo la waayay jidad ay maraan Dab damisyada, waxaana saaka suuqa dadkii tegay ay sheegeen inuu ahaa goob baaba’aday oo gebi ahaanba haawaneysa.
Ganacsato badan oo ku hanti beelay dabkii xalay ayaa la arkayay iyadoo murugo iyo oohin ay soo jabsatay, waxaana muuqaalka suuqa uu noqday mid laga naxo. Qaar ka mida ganacsatada ayaa hantidooda ka badbaadiyay dabka, waxaase ugu darnaa ganacsatada dan yarta ah oo qasaase lixaad leh soo gaaray.
Dabkan Suuq Boocle qabsaday ayaa ah kii ugu qasaaraha badnaa dhowr dab oo suuqaasi soo maray wuxuuna ka culus yahay dabkii shalay ka kacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
HOOS KA DAAWO SAWIRRO