Dowladda Brundi ayaa ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka noqonaya ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howlgala.
Imaatinka ciidamadan ayaa ku soo beegmay iyadoo la qabanqaabinayo caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Ciidamadan cusub ayaa bedelaya Guutada 34-aad ee Burundi oo waqtigoodii dhammaaday, waxaana ay maanta ka soo degeen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Guutada cusub ee ka timid Brundi Leonidas Nsingirankabo ayaa sheegay inay qeyb ka noqon doonaan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kana howlgala Soomaaliya.
DAAWO SAWIRRO
GOOBJOOGE.COM