Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay dalka Jabuuti.
Madaxweyne Farmaajo waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti uga hor tegay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo hab maamuus sare lagu qaabilay.
Farmaajo iyo Geelle ayaa ka wada hadli doona xiriirka Labada dal, iyadii Jabuuti ay ka mid tahay dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ka mida howgalka AMISOM.
DAAWO SAWIRRO