Ciidamada Booliska Gobalka Banaadir ayaa goor dhoweyd caawa Taalada Daljirka Daahsoon ee bartamaha Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay Gaari nooca Carib ah iyo 7 Kombiyuutar, Telefoono Moobeyl oo la sheegay in qaraxyo looga fulin rabay magaalada Muqdisho.
Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir Cali Xersi Barre (Cali Gaab) ayaa saxafiyiinta u sheegay in gacanta lagu hayo dadkii ku howlanaa diyaarinta walxahan qarxa oo baarisna ku socoto. Wuxuu caddeeyay in kooxaha falalka ammaandarrada ka wada Muqdisho ay la tacaalayaan, wuxuna shacabka ka codsaday inay gacan ku siiyaan ciidamada.
HOOS KA DAAWO SAWIRRO
Wadani.com