Ra’iisal wasaaraha Turkiga Binali Yıldırım ayaa soo dhoweyn heer sare ah ugu sameeyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre qasriga Çankaya ww xukuumadda Turkiga ee magaalada Ankara.
Soo dhoweynta iyo maamuuska kadib waxaa labada Ra’iisal wasaare ay yeesheen kulan qaatay muddo saacad ah oo ay uga wadahadleen xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya, waxana kulanka goobjoog ka ahaa wasiirka Difaaca Turkiga.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga uga mahadceliyay kaalmadii iyo garab istaagii ay u sameeyeen dadkii ku dhaawacmay qarixii Muqdisho, isagoo sheegay in Turkigu yahay saaxiibka ugu weyn e Soomaalida.
DAAWO SAWIRRO