Madaxda sare ee xukuumadda Soomaaliya ayaa Caawa la afuray, salaadii Maqribkana la tukaday ciidamada xasilinta ammaanka Muqdisho ee ku howlgalka ka wada caasimadda.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Guddoomiyaha G/Banaadir iyo qaar ka mida taliyeyaasha ciidamada ayaa la afuray ciidamada isku dhafka ah ee xasilinta ammaanka.
Madaxda ayaa kula dardaarmay ciidamada inay sii xoojiyaan dadaalka ay ugu jiraan sugidda nabadgelyada magaalada, iyagoo kula dardaarmay inay la shaqeeyaan bulshada.
DAAWO SAWIRRO