Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.
Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya oo la sheegay inuu booqasho rasmi ah ku joogi doono dalka Talyaaniga ayaa soo dhoweyntiina waxaa ka qeyb galay laba xubnood oo ka socday xukuuamdda Talyaaniga, waxaana qaabka loo soo dhoweeyay iyo hab maamuusku uu ahaa mid hooseeya, inkastoo madaxweynaha uu hoggaaminayey wafdi aad u culus.
Farmaajo ayaa sheegay in Madaxda dalkaasi uu la kulmi doono inta halkaasi uu joogo, iyagoo kawada hadli doono sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga Labada Dowladood oo xiriir soo jireen ah uu u dhaxeeyo.