Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Jabuuti ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay halkaasi.
Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen wasiiro iyo xildhibanno waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti kusoo dhoweeyay ra’iisal wasaaraha iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Jabuuti, iyadoo markaas kadib loo galbiyay madaxtooyada dalkaasi, halkaasoo ay wadahadal uga bilowdeen hoggaamiyeyaasha labada dal.
SAWIRRO