Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa qarka u saaran in intooda badan jaro, kadib markii xaalad ammaan ay keentay in hay’adaha Q/Midoobay, kuwa dowladda Federaalka, mas’uuliyiinta dowladda iyo shaqsiyaadka ganacsatada ah ay xirtaan wadooyinka ay degan yihiin.
Arrinta xirashada Wadooyinka oo soo bilaabatay xiligii dowladda KMG ahaa ayaa kasii dartay dowladda Xasan Sheekh, waxayna jidadku noqdeen:
- Kuwo gebi ahaan la jaray.
- Qaar qeyb ahaan la xiray
- iyo Wadooyin kale oo mrkii la doono la iska xirto
Shacabka ayaa dhibaato badan ku qaba wadooyinka xiran iyo kuwo hadda ka sii xirayo, waxayna ahayd arrin uu damcay inuu isku soo shaac bixiyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Muungaab, markii uu qarka u saarnaa in xilka laga qaado.
Wadooyinka xiran waxay ka mid tahay arrimaha ugu waaweyn ee horyaala Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo la filayo inuu ka gaabsado maadaama ay arrintan faraha kula jiraan mas’uuliyiin waaweyn.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA QAAR KA MIDA WADOOYINKA XIRAN
Wadani.com