Wafdigiii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta gaaray magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyey.
Waxaa magaalada Guriceel ku soo dhoweeyey maamulka, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo ammaanka magaaladaasi siweyn loo adkeeyey. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa madaxweynaah Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf, madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha ayaa fagaaraha magaalada kula hadlay dadweynihii soo dhoweeyay, isagoo uga mahadceliyay soo dhoweynta qiimaha leh.
DAAWO SAWIRRO