Sidii caadadda ahayd dhar cusub aya saaka loo xiray Kacbada barakeysan ee Maka Almukarama kadib salaadii subax, iyadoo sanad kasta Daah cusub lagu xiro kacbada maalinta 9-aad ee Bisha Dulxaj.
Waxaa howsha dharka cusub ee loo xiray kacbada ka qeyb galay shaqaale gaaraya 200 oo isugu jira injineero iyo farsamayaqaan, waxaana dharka Kacbada ku xiran ay leeyihiin naqshada gaara iyo farsamo heer sare ah oo gudaha Sacuudiga lagu qaabeeyo.
Howlgalka dhar bedelista Kacbada sharafta leh waxaa hoggaamineyay guddoomiyaha Hay’adda adeegga labada Masjid ee Xaramka Sheekh C/raxmaan Bin C/casiis Assudeys, waxaana dharka Kacbada ka kooban yahay 16 qeybood oo isku xiran iyo 12 kale oo hoos uga xiran, ayna u dheer tahay qoraallo lagu xardhay oo Dahabi ah.
Dharka Kacbada ayaa waxaa ku jira 670 Kg oo ah Xariir saafi ah, 120 Kg oo Dahab ah oo fiilo ahaan ku xardhan 100 kg oo Qalin ah, iyadoo dhererka dharkuna gaarayo 16 Mitir.
Ereyada lagu xardhay Kacbada barakeysan waxaa ka mida:
(يا الله يا الله ) ( لا إله إلا الله محمد رسول الله ) / (سبحان الله وبحمده ) / ( سبحان الله العظيم ) / ( يا ديان يا منان)