Marwo Caasho Geelle Diiriye oo hore wasiir uga ahayd maamulka Puntland, dhowaanna iska casishay guddoomiyaha guddiga dib u eegista doorashooyinka Soomaaliya oo shirkii shalay ee wadatashiga Madasha Qaran uga qeyb gashay xubin ka socota ururada bulshada ayaa sheeko qosol leh ku bedeshay jawigii shirka kadib markii daal badan iyo aamusnaan uu shirka galay.
Caasho Geelle ayaa sheeko yar soo cinwaankeedu yahay “CAADI ISKA DHIG” shirka keentay iyadoo ka qeyb galayaasha ugu baaqday inay jawiga bedeleen oo farxad muujiyaan, waxaase xaaladda uga sii daray Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya C/raxmaan Odowaa oo toosha ku shiday in Shariif Xasan iyo C/weli Gaas aanu xaalkooda caadi ahayn, taasoo keentay in qosol iyo xaalad kale shirku isu bedelo.
HOOS KA DAAWO QOSOLKA CAADI ISKA DHIG
Wadani.com