Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Odoyaal, Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda Beelaha Hawiye ayaa eedeyn ba’an u jeediyay musuqa dowladda waqtigeedu dhammaaday ee doorashada.
Waxgaradka ayaa kasoo saaray Baaq ku saabsan Doorashooyinka, waxayna sheegeen haddii ay dhacdo in Xasan Sheekh dib u soo laabto uu dhici doono dagaal gacmaha la isula tago.