Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee waqtigiisii sharciga ahaa ee xilka uu dhamaaday ayaa soo saaray muuqaalkii labaad ee uu uga hadlayo arrinta dacwadda Badda ee Kenya iyo Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa bartiisa Facebook soo dhigay Video uu mar kale uga hadlayo dacwadda ka socota Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee magaalada Hague isagoo sheegaya inaysan ka hari doonin, kana tanaasuli doonin xaqa Soomaaliya.
Waa markii labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh war ka soo saaro arritan muddo laba maalmood gudahood ah, iyadoo la ogyahay inuu subaxnimadii 19-ka September ee dacwadu bilaabatay uu sidoo kale soo saaray muuqaal kale.
Kiiska Badda ayaa hadda isu bedelay olole doorasho oo musharax Xasan Sheekh uu magac ku raadsado, halka musharixiin kale si xadka ka baxsan loogu ceebeynayo, waxayna ku habooneyd madaxweynaha inuu sugo inta dacwada qeybta hore ka dhammaaneyso Khamiista.
Wadani.com